Maamulka Dani ee Puntland Oo Lagu Eedeeyay Soo Nooleynta Qabyaalada & Kala Qeybta Bulshada

Somalia news

War-Saxaafadeed ay ka soo saareen Madasha Siyaasada Puntland Xaalada Guud ee Degaanada Maamulka ayeey ku eedeeyeen Maamulka Dani ee Puntland si wado olole hoose oo balaaran kaasoo uu ku doonaayo inuu ku kala qeybiyo Beelaha wada dega degaanka…

Waxeyna ka digeen in Shaqada Diiwaangelinta lagu muransan yahay oo inta badan Shacbiga ay iska diideen iney is-diiwaangeliyaan, iyagoo ka cabsi qaba in Qorshaha Dani uu ku hoos duugan yahay Muddo Kororsi, waxeyna si toos u eedeeyeen in Guddiga KMG ah ee Doorashada iney iska indha tireen baaqyo badan oo loo jeediyay si loo hakiyo loona saxo muranka Siyaasadeed.

Wararka ayaa sheegay in Saciid Dani oo kulamo hoose la qaatay Beelo taageersan qorshihiisa Doorashada, wuxuuna kula dardaarmay in Af iyo Adinba lagu hirgeliyo dib u doorashadiisa, sidoo kale wuxuu dhaqaale ku soo jiitay Barakacayaasha si ay u qaataan kaararka Doorashada isla markaasna ay u codeeyaan Ururkiisa KAAH.

Madashada ayaa Cod dheer ugu baaqday Cuqaasha, Odayaasha Dhaqanka & Waxgaradka iney u istaagaan sidii looga hortagi lahaa hubanti la’aanta Siyaasadeed ka dhacda degaanada Puntland si loo gaaro Dano shaqsiyadeed, taasoo horseedi karta dagaal sokeeye.

238320cookie-checkMaamulka Dani ee Puntland Oo Lagu Eedeeyay Soo Nooleynta Qabyaalada & Kala Qeybta Bulshada