Wufuud Balaaran Oo isugu jira Odayaasha Dhaqanka & Waxgarad oo ku Qulqulaaya Magaalada Laas caanood

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan balaaran oo aayo ka taahi ah ayaa lagu wado iney kasoo qeyb galaan Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, Qeybaha Bulshada iyo Waxgardka ayaa lagu wadaa inuu ka qabsoomo magaalada Laas caanood ee Gobolka Sool…

Wararka ayaa sheegay in Wakiilo ka socda Gobolada Sool, Sanaag iyo Degmada Buuhodle ee Gobolka Togdheer ayaa wada tashi ka yeelanaaya Sidii Masiirkooda mustaqbal go’aan uga gaari lahaayeen, kadib markii Xoogaga Maamulka Muuse Biixi uu xasuuq u geystay Dhalinyaro ka gadooday Dilalka qorsheysan ee joogtada ka noqday magaalada Laas caanood.

Wufuud balaaran oo Ka kala socda degaanada kor ku xusan ayaa ku qulqulayaa magaalada Laas caanood, iyadoo Soo dhawaynta Wufuuda Garaadada ayaa laga dareemaya guud ahaan magaalada Laascaanood waxaana u diyaar-garoobay dadweyne fara badan.

Shacabka magaalada Laascaanood oo ku labisan Calanka Qaranka Somalia iyo kan SSC ayaa sida wararku sheegayaan jidadka u taagan soo dhawaynta Wufuuda, waxaana la sheegay in Ciidamo ka tirsan Degaanka loo xil saaray iney Ilaaliyaan Amaanka iyo kala dambeynta inkastoo laga cabsi qabo in Horgalada Maamulka Muuse Biixi ay carqaladeeyaan qabsoomida Shirkaan.

238350cookie-checkWufuud Balaaran Oo isugu jira Odayaasha Dhaqanka & Waxgarad oo ku Qulqulaaya Magaalada Laas caanood
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com