Maamulka Deni Oo soo Xulay 17-Xildhibaan ee Beesha Dhulbahante Maxaase Ka Dhalan kara..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in ka badan 60 Xubnood la soo xulay Xildhibaannada cusub ee Baarlamanka dowladda Puntland, talaabadaan ayaa u muuqata mid ka hor iimaaneysa Go’aankii Isimada iyo Maamulka Khaatumo…

Wararka ayaa sheegaya in Xubnaha harsan qaarkood lagu dhawaaqi doono saacado yar kadib islamarkaana loo gudbin doono Guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada, 17-ka Xildhibaan ee laga soo doorto SSC-khaatumo ayaa dhamaantood Maamulka Dani uu soo xushay waxaana loo gudbiyay Guddiga xalinta Khilaafaadka sida ay wararku tilmaamayaan.

Guddiga ansixinta Xildhibaanada iyo xallinta Khilaafaadka ayaa shaaciyay in hal maalin lagu daray soo gudbinta araajida xildhibaannada kuna ekeyd 26 December, 17-Xildhibaan ee Beesha Dhulbahante ee Deni soo xushay ayaa caqabad ku noqon doona, waxaana kadhalan kara khilaaf iyo muran ka dhex qarxa Maamulada Khaatumo iyo Puntland.

296050cookie-checkMaamulka Deni Oo soo Xulay 17-Xildhibaan ee Beesha Dhulbahante Maxaase Ka Dhalan kara..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com