Xadgudubyada Lagu Hayo Dhalinyarada Muqdisho

Opinion

Muuqaal Naxdin leh oo sawiiro laga soo qaaday Dhalinyaro saq dhexe guryo if’s loogu dhacay kadibna jirdilo iyo falal ka baxsan Sharciyada Dalka iyo Xuquuqda Aadanaha ayaa lagu kacay dhaliyarada Muqdisho…

Waxaana ah wax laga xumaado in Shacbiga ay Dowladu Canshuurtooda ku nooshahay loogu tunto xuquuqdoodii asaasiga ah sidii xoolihii oo kale.

Sawirkaan Naaxdinta leh ee muujinaya xanuunka qofka bani-aadamka loo geysanayo sow ma fiicnaateen in la iska dulqaado nidaamkan xaasidka ah ee faashilka ah.

Magaalada muqdisha waxaa Habeenkii ka Dhaca Dhacdooyin Fool-xun oo Dadka iyaga oo Hurda Guryaha Loogu Daato kadibna Raga indhaha Laga xiro Kadibna inta Raga iyo dumarka Midba Makhsin Lageeyo Laga Qaado sawiro.

Waxaa Loogu Hanjabaa in Hadii Ay Magaalada ka baxayaan Ay Iska soo diwaan Galiyaan Xafiiska NISA Sidoo kale Qoyska Sawirada Laga Qaaday waxaa Loogu Hanjabaa in Aanay Cidna Marti Galin Xataa Haduu Ehelkooda oo Meelkale ka yimid yahay.

Diwaan Galinta Qofka Martida kuu ah Ayaa Laga Qaadayaa Lacag Dhan 10$ Waxaana Lagu Shubayaa Qasnada NiSA (Adeege Fahad ayaa ku Takri-fala).

Talaabadan Sharciga ka baxsan ayaa Si wada jirka ah u fulinayaan Maleeshiyadka Maamulka Fadhiidka ee Farmaajo (Police-ka iyo NISA),sidoo Milkiilayaasha hoosooyinka (Garaashyada Gaadiidka iyo kuwa Farmsada) ayaa Dhaqaale lagu soo rogay iyo iney diiwaan geliyaan Gaadiidka iyo Shaqaalaha.

Dhaqanka Noocan ah ayaa ah mid looga Bartay Dawladaha Kali-talisyada ah, Maamulka Farmaajo ayaa u muuqataa inuu U bareeray dhibaateynta shacabiga una geysto Xadgudub ka Dhan ah Xuquuqda aadamaha”

Waa ayaan darro in Hogaanka Kooxaha mucaaradka laftigooda ay ka aamusan yihiin ku tumashada Sharciga iyo xuquuqda dadka Muqdisho oo mareen waddadii ay mareen xildhibaanada iyo culimada dalka oo macaankooda iska dhuuqa waxaansa rajeyneynaa inuu xanuunka soo gaaro oo la arko iyagoo sidaan u garba duuban maalin dhow.

23780cookie-checkXadgudubyada Lagu Hayo Dhalinyarada Muqdisho