Guddiyada Khilaafka Doorashada Oo dib u Dhigay Shaacinta 25-Kursi Oo Khilaaf Ka Jiro

Somalia news

Qoraal ay soo saareen Guddiga Xallinta Khilaaf Doorashooyinka Somalia ayaa soo saaray kuraasta Golaha Shacabka ee cabashada ka taagan tahay, kuwaasoo qaarkood ay u gudbinayaan Golaha Wadatashiga Qaran…

Qoraalka uu soo saaray guddigan ayaa waxa ay ku soo bandhigeen cabashooyinka rasmiga ee ay go’aanka ka gaareen, Dacwadaha dib ay ula noqdeen Soo Dacwoodayaashu, cabashooyinka aan saxsanayn iyo 25 dacwo iyo wixii ku soo kordha kuwaasoo loo gudbinayo Golaha Wadatashiga Qaranka marka ay soo idlaadan kuraasta Doorashooyinkoodu dhiman yihiin.

Kuraasta 25-ka ah ee aysan shaacin Guddiga xalinta Khilaafaadka ayaa waxaa ay ku sheegeen inay yihiin kuwo aan buuxin shuruudihii habracyada doorashooyinka, halka qaarkood laga soo gudbiyay Dacwooyin ku qotoma Xuquuqda Muwaadinka oo lagu tuntay, qaarkood oo Da’doodu hooseyso, Qoondada Haweenka oo la baal maray & Musharixiin Safarka laga horistaagay.

Hase yeeshee Guddigu ayaan soo bandhigin 25-ka kursi ee ay u gudbinayaan Golaha wadatashiga Qaran ayna soo bandhigi doonaan tirsiga kuraasta marka ay soo dhamaystirmaan kuraasta golaha shacabka ee aan weli la dooran, iyadoo ay ka mid yihiin Kuraastaan kuwa Mahdi Guuleed & Fahad Yasin.

178400cookie-checkGuddiyada Khilaafka Doorashada Oo dib u Dhigay Shaacinta 25-Kursi Oo Khilaaf Ka Jiro