Maamulka Galmudug Oo kala direy Guddiga Farsamada dhismaha Golayaasha Degaanka

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Magaalada Dhuusa mareeb ayaa sheegaya in Maamul goboleedka Galmudug uu kala direy Guddigii Farsamada dhismaha golayaasha degaanka kadib markii uu xoogeystey khilaafka ka jira habka loo dhisayo golaha degaanada Galmudug…

Qoraal ka soo baxay Wasiir kuxigeenka Arimaha guddaha Galmudug ahna sii hayaha xilka wasiirka ayaa lagu kala diray guddigii farsamada dhismaha Goleyaasha deegaanada Galmudug.

Dhowaan ayaa waxaa guddigan uu dhisay golaha degaanka degmada Balabballe taasoo ka dhalatay khilaaf sababay in shaqada laga eryo Wasiirkii arrimaha gudaha Galmudug.

Talaabadaan ayaa kusoo aadey iyadoo gudigani qorsheynayay in uu Balanballe maanta ku qabto doorasho aan heysan sharciyad.

122100cookie-checkMaamulka Galmudug Oo kala direy Guddiga Farsamada dhismaha Golayaasha Degaanka