Is-Rasaaseyn Ka Dhacday Waqooyiga Gaalkacyo

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya iska horimaad hubeysan oo xalay fiidkii ku dhex maray Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, Xoogaga amaanka iyo Dabley kaasoo dhimasho iyo dhaawacba sababay….

Dhacdadaan ayaa ka dambeeyay markii Xoogaga amaanka Puntland ay weerar ku qaadeen rag ka ganacsada qamriga, kuna sugnaa xaafadda Garsoor ee Waqooyiga Magaalada, kuwaaoo iska caabin ugala hortagay.

Wararka ayaa sheegaya in muddo kooban ay si xoog lihi xaafadda Garsoor, gaar ahaan agagaarka Hotel Cagaarweyne, uga socotay rasaastii ay labada dhinac is weydaarsanayeen, taa oo khalkhal ku abuurtay dadka degaanka.

Xoogaga amaanka Puntland ayay markii dambe ku guuleystay inay cagta mariyaan goobtii ay ku sugnaayeen dableydaasi, kuwaaoo qaarkood gacanta lagu soo dhigay, xabsigana loo taxaabay.

Waxaana iska horimaadka ku dhintay laba qof oo dhinacyadii dagaalamay ah, halka laba kalana ay ku dhaawacantay, waxaana suurtagal ah in khasaaruhu uu intaa ka bato.

47200cookie-checkIs-Rasaaseyn Ka Dhacday Waqooyiga Gaalkacyo