Share the post "Maamulka Hargeysa oo lagu Eedeeyay iney Oggolaadeen in Gacan ku dhiigle 100-Neef oo Geel ah lagu furto"
Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa heshiis ay ja soo shaqeeyeen Odayaal Dhaqmeed oo daqiiqadihii ugu dambeeyay lagu bixiyay dhan 100-Neef oo Geel ah, iyadoo lagu badbaadiyay nolosha Gacan ku dhiigle Dil bareer ah geystay…
Wararka ayaa sheegay in Gacan ku dhiiglahaan oo sababo amaan magaciisa loo qariyay, ayaa ka mid ahaa 5-Dembiilayaal oo lagu xukumay Dil toogasho ah, waxaana lagu waday in lagu toogto degaanka Mandheera oo ku dhow magaalada Hargeysa, iyadoo kuwii kale la toogtay.
Odayaal isku dhaf ah ayaa gaaray Goobta waxeyna ka soo furteen Tiirka Dembiilaha, iyadoo afartii kale lagu fuliyay Dilka, sida sy xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo loo qaateen ah, waxeyna intaasi raaciyeen in Habka Cadaalada ay sumcad xumo ku reebeyso in Gacannku dhiigle Xoolo tiradaasi leg lagu soo furto.
Sikastaba ha ahaatee waxaan shaki ku jirin in meel ka dhac ku tahay Cadaalada, iyadoo Dadka Hantiilayaasha ah ay iibsan karaan Ciqaabta halka kuwa saboolkuna lagu fuliyo dilka.