Madaxweynaha Puntland oo Xilkii Ka Qaaday Madaxii PISA ee Puntland

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni ayaa goor dhowayd shaqa-joojin ku sameeyay Agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA, Mukhtaar Maxamed Xasan ( Jeyte) oo safar dibadda ah ku maqan, sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay…

Madaxweyne Siciid Deni, ayaa sidoo kale shaqada ka joojiyay labada Agaasime ku xigeen ee Hay’adda PISA, Maxamed Casayr Barre iyo Bashiir Siciid Aaden, sida ay caddaynayaan xogaha laga helayo dhinaca Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa ku simaha Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee PISA u magacaabay, Maxamed Nuur Jaamac oo hore u ahaa Madaxa Hoggaanka Baarista Sirdoonka Puntland.

Tallaabadan ayuu Madaxweynuhu qaaday kadib markii uu Xalay si lama filaan ah ku booqday Xarunta Hay’adda Sirdoonka PISA, isla markaana uu la kulmay Mas’uuliyiinta Hay’adda ee ku sugan Xaruntaas, isagoo kormeeyay Xafiisyada Hey’adda.

212440cookie-checkMadaxweynaha Puntland oo Xilkii Ka Qaaday Madaxii PISA ee Puntland
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com