Maamulka Israel Oo ugu Balan qaad Dhaqaale ugu Yaboohday Calooshood/u Shaqeystayaal Ka qeyb gala Dagaalka Gaza..

World

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaalka lagu riiqmay ee ka socda Magaalada Gaza ee Dalka Falastiin, iyadoo wararku ay sheegayaan in Tiro badan oo Calooshood u shaqeystayaal (Mercenary) u dhashay Dalalka Reer Galbeedka la sheegay iney qeyb ka yihiin dagaalka..

Wareysi uu bixiyay Mercenary u dhashay Dalka Spain laguna magacaabo Pedro Diaz Flores ayaa sheegay in sababta uu ugu biiray dagaalka ay tahay Arrimo dhaqaale, wuxuuna sheegay in todobaadkii la siiyo 3900-€, shaqadiisuna ay tahay Ilaalinta iyo galbinta Saadka iyo Sahayda Ciidamada ee Furimaha Dagaalka.

Waxaana la qiyaasaa in 15,000 oo Calooshood/u shaqeystayaal ay oo laga soo daad gureeyay Dagaalka ka socda Dalka Ukrain la keenay Dalka Israel, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Mercenary u dhashay Dalka France lagu dilay Dagaalka halka 2-Kale oo u kala dhashay Dalalka Brazil iyo Colombia lagu dhaawacay.

https://x.com/megatron_ron/status/1721204922086031654?s=46&t=ULdzLZsDXJ_GmmSfmTsWjw

Magaalada Gaza ayaa cabirkeedu yahay 41km dhirir & balaceeduna 6 to 12 km (3.7 to 7.5 mi), Khabiirada Dagaalka ayaa sheegay in aag yar oo ay iskaga soo horjeedaan 120.000 oo Ciidamo ah, si kastaba ha ahaatee Ciidamada Israel oo wata 100 taangiyo ah iyo ku dhawaad 100,000 oo Askari ayaa ka howl galay aagga si ay u qabsadaan aag yar oo juquraafi ah, wuxuuna howlgalku socdaa 29-Maalmood.

286120cookie-checkMaamulka Israel Oo ugu Balan qaad Dhaqaale ugu Yaboohday Calooshood/u Shaqeystayaal Ka qeyb gala Dagaalka Gaza..