Degdeg:- Qax & Barakac Xoogan ayaa laga Dareemay Magaalada Garoowe..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in maanta Xaalad adag oo amaan darro ay ka taagan tahay gudaha magaalada, Kadib markii Madaxtooyada Puntland ay shaacisay Liiska Xildhibaanada, iyagoo aan sugin Gudoomiyaha Guddiga Doorashada…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Dhaqdhaqaaq Ciidamo oo iska soo horjeeda laga dareemay gudaha Magaalada, iyadoo Dadkii deganaa agagaarka Madaxtooyada ay ka qaxeen, kadib markii cabsi kasoo food saartay iney dagaalo ku qabsadaan agagaarka Madaxtooyada, Xoogag daacad u ah Madaxweyne kuxigeenka Mr.Ahmed Karaash ayaa wacad ku mareen iney horistaagi doonaan Boobka Doorashada uu wado Deni.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Mr.Isaaq Axmed Saciid oo diiday xalay inuu ku dhawaaqo Liiska Xildhibaanada uu soo diyaaraaday Mr.Deni oo xiligaan ku sugan goob amaan ah ayaa sheegay inuu ku gacan seyray in 70% Xildhibaanada cusub ay yihiin kuwo aysan Guddigu soo marin hab-raaca, isla markaasna uu diiday inuu ku dhawaaqo sheegayna in Saxiixsa laga been abuurtay.

297680cookie-checkDegdeg:- Qax & Barakac Xoogan ayaa laga Dareemay Magaalada Garoowe..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com