Maamulka Puntland Oo Saluug ka Muujisay Qondada Xajka ee Sanadkaan…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Maamulka Puntland ay ka hortimid qoondada iyo qeybinta Hannaanka Dowladda Federaalka sanadkaan u maareysay arrimaha Xajka, iyagoo aad u saluugay Qondada la siiyay degaanadaasi…

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Cadaalada Puntland ayaa si adag u cambaareysay wax ay ku tilmaantay musuq maasuq iyo eex dowladda Federaalka ku samaysay qeybsiga saamiga Xajka, ”Wasaaradda Caddaaladda Puntland waxay Cambaaraynaysaa boobka,eexda iyo musuqmaasuqa ay Wasaaradda diinta iyo Awqaafta Federaalku ku samaysey hab qeybsiga, Saamiga, Maamulka iyo Adeegyada Xajka ” ayaa lagu yiri qoraalka

Qoraalkaan ayaa lagu xusay in Saami qeybinta Tirada loo qondeeyay Maamulada Gobolada Dalka ay si ku dhisan cadaalad-darro ee sanadkan islamarkaana Maamulka Puntland 850- ka siisay tirada guud oo dhan 11,500, waxeyna sheegeen in lagu colaadinaayo khilaafka Dani iyo Xasan Sheekh mudada Bilooyinka u dhaxeeya, Iyadoo Maamulka Dani uu horey u sheegay inuu Xiriirkii u jaray Villa Somalia kala dhaxeeyay.

259800cookie-checkMaamulka Puntland Oo Saluug ka Muujisay Qondada Xajka ee Sanadkaan…