Maxaa ka Run ah in Awooda Howlgallada Dowladdu ee ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka ay sii lumineysa..

Somalia news

Todobadii bilood ee la soo dhaafay Somalia waxay soo martay xasillooni kadib howlgallada joogtada ah ee ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka, iyadoo ciidamada Dowladda, Taliska Mareykanka ee Afrika, ATMIS iyo Maleeshiyada Maxalliga ay iska kaashadeen Weerarka fariisimada Kooxda argagixisada…

Muddadan oo dhan howlgallada wadajirka ah ayaa laga soo hooyay guulo la taaban karo, iyadoo Shababku ay lumiyeen degaano ka tirsan gobolada dhexe gaar ahaan Galmudug iyo Hirshabelle, inkastoo degaanada qaarkood ay weeraro rogaal celin ah oo dhiig badan ku daatay ay qaadeen Gaadiid iyo Saanadna lagu qabsaday, waxaa lagu eedeeyay Hogaanka Villa Somalia oo dabciyay Howlgalkaasi.

Dhanka kale, Wajiga 2-aad ayaan weli ka bilaaban Degaanada Jubbaland iyo Konfur galbeed, iyadoo loo aaneynaayo Codsiyadiii loo gudbiyay Dowladaha Ethiopia, Djibouti iyo Kenya iney ka qeyb qaataan Howlgalka ayaan weli muuqan balanqaadkoodii, iyadoo balantu aheyd iney 3-bilood ku nagaadan Degaanada Dalka, Hogaanka howlgalka ayaa loo xil saaray Taliska Xooga Dalka.

Ku darsoo, Qeybtii ugu horeysay ee Howlgalka Ciidamada ATMIS oo gaaraya 2000 Askari ayaa lagu wadaa iney Dalka ka baxaan 3-da Todobaad ee soo socota, Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in hakad la geliyay Howlgalada dhanka ka ah Kooxda Shababka, iyadoo sidoo kale uu hoos u dhac ku yimid Tirada Xoogaga Macawisleyda, talaabooyinka ayaa dhiiri geliyay iney Kooxda Argagixisada qaadaan weeraro dhiig badan ku daatay kuna guuleysteen iney Qabsadaan Fariisimada Ciidamada Dowladda iyo kuwa ATMIS.

259760cookie-checkMaxaa ka Run ah in Awooda Howlgallada Dowladdu ee ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka ay sii lumineysa..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com