Caleemo-Saarka Deni & Xiisadaha Siyaasadeed: Ma Qandho Jebin Mise Colaad hurin…

Somalia news

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay ku sii qulqulaayay magaalada Garoowe Wufuud isugu jirta, Diblomaasiyiin, Siyaasiyiin, Waxgarad iyo Odayaal Dhaqameedyo kuwaasoo Martiqaad uu u fidiyay Madaxweynaha Puntland si ay uga soo qeyb galaan xaflada caleemo saarkiisa Madaxtinimada Puntland 5-sano ee soo socota..

Munaasabadaan oo muddo 2-jeer ah oo dib loo dhigay sababo la xiriira Madaxweynaha Somalia oo jadwalkiisa oo buuxa awgeed, inkastoo uu Xasan Sheekh uu sheegay inuu ka soo qeyb galaayo Xaflada hadana si rasmi ah looma caddeyn karo inuu ka soo muuqan doono, iyadoo aysan weli Mowqifkiisa uu (Deni) xiriirka uga jira Dowlada Federaalka uusan ka laaban.

Munaasabadaan ayaa ka kooban in gelin hore ay ka soo muuqan doonaan Diblomaasiyiin qaar ka mid ah Dalalka Saaxiibada Somalia iyo galinka dambe oo Madaxda Soomaalida iyo Martida kale bulshada, iyadoo xafladaan ay ku soo beegmaneyso iyadoo heer kulka siyaasada Somalia uu sareeyo kadib Dagaalka Afka ah ee u dhaxeeya Somalia iyo Ethiopia iyo Meel marinta Habraaca doorashada oo Deni safkiisa guuldaro la hoydeen.

Isku soo hoori:- Su’aasha is-weydiinta mudan ayaa ah Caleemo saarka Deni ma xasarad abuur hor leh ayeey horseedi doontaan oo xiisadaha jira baasiin lagu dii shubi doonaa mise qandho jebin iyo isku doo dhawaasho iyo wada shaqeyn dhex marta Villa Somalia iyo Villa Garoowe.

303710cookie-checkCaleemo-Saarka Deni & Xiisadaha Siyaasadeed: Ma Qandho Jebin Mise Colaad hurin…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com