Boliiska Turkiga Gacan ka Geysanaaya Hanaanka Baarista Dembiyada ee CID Somalia..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa codsiyo uu Taliska Boliiska Soomaaliyeed oo ja ambaqaadaya dib u habeynta iyo hagaajinta hananka Baarista Dembiyada Dalka, ayaa isbedel ku sameeyay Hogaanka Baarista Dembiyada (CID), Qorshahaan ayaa salka ku haya wax ka bedelka qaababka Baarista gaar ahaan kan hiddo-sidaya (DNA)…

Wararka ayaa sheegay in Kiisaas badan ay muddo 90-maalmood u xayirmaan Baarista DNA, iyadoo loo qaadi jiray Dalka Dibadiisa kaasoo qaadan jiray, taasoo dhibaato ku aheyd aheyd in Eedeysanaha uusan helin Cadaalad meel ka dhacna ku aheyd xuquuqdiisa, waxaana la sheegay in Hogaanka CID uu heshiis la gaaray Boliiska Turkiga si sambalada sheybaarada Turkiga loogu qaado Jawaantana ku soo celiyaan muddo 15-maalmood ah gudahood.

Daf badan ayaa isweydiinaya maxaa Dowladda Federaalka u sahli weysay in dhaqaale lagu soo gado Sheybaaro (Machinada) lagu baaro Hida sidaha iyo kuwa Faraha, Raadadka, Dhiiga, noocyada Rasaasta ee Dilka loo adeegsado, Tinta & maqaarka kaasoo aan qiimo badan ku fadhinin, Dhalinyaradana la siiyo Tababaro, iyadoo hadii Boliiska loo soo iibin lahaa uu wax badan ka bedeli lahaa Nidaamka Cadaalad marinta Eedsanayaasha iyo Dacwada Darafyada ee khuseeya.

308390cookie-checkBoliiska Turkiga Gacan ka Geysanaaya Hanaanka Baarista Dembiyada ee CID Somalia..