MaDhabaa in Ganacsatada Soomaaliyeed ay Qeylo dhaan ka saareen Shirkado Loo Xiray Dal ku galka (Visa) ee EAC..

Africa News Somalia news

Iyadoo Dalka Somalia ay isu diyaarinaayo inuu si rasmi ah uga mid noqdo Dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika, fursadaha lagu helo, faa’iidooyinka xubinnimada ayaa kor u qaadaysa cabsida laga qabo caqabado ku yimaada xafiis-dowladeed oo la doonayo in lagu tayeeyo dhowr Ganacsi oo Soomaaliyeed…

Dowladda Federaalka ah ayaa la sheegayaa iney awood u siineyso Ganacsatada qaarkood iney soo bandhigaan qaabkii ay dal ku galka iyo fiisaha Kenya uga dalban lahaayeen dalalka kale ee xubnaha ka ah EAC iyadoo la sii marinayo shirkad fadhigeedu yahay magaalada Mogadishu.

Howlwadeenada Wasaaradda arrimaha dibadda Somalia ayaa la sheegay iney kala hadashay dhigooda Kenya in loo amro nidaam ka duwan kan fiisaha elektaroonigga ah ee Ganacsatada ku safraaya Baasaboorka Somalia iyo in la kordhiyo dhaqaale (Khidmada) dal ku galka ah ee caadiga ah iyo in lagu wareejiyo fiisaha elektaroonigga ah Shirkad Soomaali ah oo loo qoondeeyay.

Qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa u ololeynaya Dowladda Federaalka iney wax ka bedesho shuruucda Ganacsiga si ay ugu soo kordhiso qaybo badan oo ka mid ah Xafiisyada shaqada ku leh, Is-xilqaanku wuxuu wiiqi karaa xubinnimada Somalia ee Bulshada Bariga Afrika, Muwaadiniinta Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin inay uga faa’iidaystaan xubinnimada EAC si la mid ah Muwaadiniinta dalalka xubnaha ka ah.

Waa cadaalad darro in Muwaadiniinta Soomaaliyeed loo diido mudnaanta ay ku dalbadaan fiisaha elektaroonigga ah ee Kenya iyadoo la sii marinayo Shirkado macaash doon ah ee dhisteen Dowladaha Kenya & Somalia” ayuu yiri Qareenka Ganacsiga Soomaaliyeed ee fadhigiisu yahay Nairobi

312350cookie-checkMaDhabaa in Ganacsatada Soomaaliyeed ay Qeylo dhaan ka saareen Shirkado Loo Xiray Dal ku galka (Visa) ee EAC..