Heshiis Laga Gaaray Dooda Doorashada

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Kulanka ka socda Xarunta Madaxtooyada Ee Villa Somalia, waxaana la sheegay in Is-Fahad laga gaaray Guddiyadii Doorashada ee heer Federaal iyo Gobolada Ee Maamulka doono Doorashada soo Aadan Ee 2020/21, waxaana lagu wadaa in Gudiyada Heer Federaalka uu Hogaamin doono Mr.Cabdi Cali Raage oo ah La Taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka….

Xogtaan ayaa Diinah.com u xaqiijisay in sidoo kale lagu heshiisiyay in la dhiso Gudiyada Khilaafaadka Doorashada, waxaana magacaabi doono Madaxweynaha Dowladda Federaalka, iyadoo ay xubno ku yeelan doonaan Maamulada Dowlad Goboleedyada, Gudiyadaan ayaa horey uga mid aheyn Heshiiska Doorashada ee lagaaray, laakin waxaa talo ahaan ku soo jeediyay Xildhibaanada labada aqal oo qodobo kale ku soo lifaaqay.

Haddii magacaabidan ay rasmi noqoto waxaa uu Madaxweyne Farmaajo bareejeyn doonaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo La Taliyihiisii Arrimaha Sharciga Avv. Cumar Dhagey u magacaabay Guddoomiyaha Guddigii Doorashada dadban sanadkii 2016.

63850cookie-checkHeshiis Laga Gaaray Dooda Doorashada