Maxaa ka Run ah in Shirkada G2S (Security Group-ka) oo samaysay Musuqmaasuq heer Caalami ah..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Berbera ee Degaanada Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in Shirkadda G2S oo qaabilsan mashruuca ilaalinta xarkaha Internetka Cable-ka, lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo wax is daba marin, kadib markii ay ka gaabisay fulinta Qandaraaska eexda lagu siiyay..

Wararka ayaa sheegay in shirkada G2S, ay adeegsatey macluumaad Been abuur ah oo laga sameeyay, badhkood Wasaaraddaha Somaliland, waxa ay si Fudud u Qaadatey contract, ilaalinta amaanka xarkaha Cable-ka Internetka xarunta Somaliland ee Berbera. Shirkadaan ayaa qandaraas ku qaadatey dhaqaale dhan 2,800,000 US$ oo aan laga bixin canshuurta Maamulka ku laheyd.

Wararka ayaa sheegaya in Qeybta Baarista Shirkada Facebook (Meta), oo baaris Ku samaynaya qaabkii markii hore heshiiskani u baxay, shakiga ku yimid Qandaraaska Shirkadda G2S ee Hogaamiyo Shaqsi magacyo badan wata laguna magacaabo Cabdinaasir Cabdulaahi Cali alias Khadar Cabdi Daahir, waxaana dib ugu soo noqdey Shaqaalihii Shirkada Somcable Somaliland, oo ah kuwa sida dhabta ah u hayey mashruuca uu qaatey.

271470cookie-checkMaxaa ka Run ah in Shirkada G2S (Security Group-ka) oo samaysay Musuqmaasuq heer Caalami ah..