Madaxweynaha Oo Caawa Senator Muuse Suudi Ugu Tagay Hogyiisa & Sababta..

Somalia news

Macluumad dheeraad ayaa laga helayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caawa si lama filaan ah hoygiisa ugu tagay Senator Muuse Suudi oo in muddo ah xurguf siyaasadeed ay u dhaxeysay, tan iyo markii uu Madaxweynuhu magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho…

Wararka ayaa sheegay in Booqashadan ayaa daarneyd Salaan iyo Raalli gelin, iyadoo dhowr jeer oo hore Senator Muuse Suudi uu diiday inuu la kulmo Madaxweynaha kadib Ergo uu u soo dirsaday, isla markaasna Balanqaadyo uga baxay intii la doortay Madaxweynaha.

Intii uu Madaxweynaha booqanayay hoyga Muuse Suudi oo ku yaala Xaafada Mirinaayada ee Degmada Kaaraan ayaa loo xirin wax wado ah, waxaana markii booqashada uu soo dhameystay lugta soo mariyay Jubba Hypermarket oo ku taal Isgoyska Jubba oo salaan la qaaday dad fadhiya maqaayado ku yaal Xaruntaasi Ganacsi.

308020cookie-checkMadaxweynaha Oo Caawa Senator Muuse Suudi Ugu Tagay Hogyiisa & Sababta..