Madaxweynaha Somalia Oo Berito Hortagaaya Labada Aqalka Ee Baarlamaanka…

Somalia news

Xogo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Somalia uu hadal jeedinta berri ee Baarlamaanka labada Aqal uu ku faah faahin doono heshiis dhinaca difaaca Badda ah oo Somalia iyo Turkiga kala saxiixdeen, iyadoo ay xiisada Ethiopia iyo Somalia ay u muuqato iney faraha ka baxday saan saan Colaadeedna xariga laga jiray…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Heshiiskaan uu socon doono muddo 10-sano ah Ciidamada Badda Turkigana ku howlgalayaan Xeebaha Badda Somalia kuna difaaco doonaan hadii la isku dayo in xoog lagu qaato ama lagu dhaqaaqo hirgelinta Heshiiskii Afgarad ee dhex maray Ethiopia iyi Maamulka gooni goosadka Waqooyiga Somalia.

Wasiirada Gaashaandhigga Somalia iyo Turkiga ayaa 8-dii bishan Febraayo kala saxiixday heshiis istiraaji ah oo dhinaca Amniga ah, kaasoo damaanad qaadaya difaaca dhulka iyo Xeebaha Dalka, Madaxweynaha ayaa warbixin ka soo siin doona Senatarada iyo Xikdhibaanada shaqaaqadii ku qabsatay Magaalada Addis abeba.

309890cookie-checkMadaxweynaha Somalia Oo Berito Hortagaaya Labada Aqalka Ee Baarlamaanka…