Yaa Ka Mas’uul ah Fowdada Ka Dhalatay Doorashada Jowhar

Somalia news

Buuq & Fowdo ayaa hareersay Kursiga 2-aad Ee Aqalka Sare oo tartanka Doorashadiisa xalay ka dhacay Magaalada Jowhar, kadib markii la soo gabagabeeyay wareegii 1-aad, iyadoo la sheegay in Tiro Xildhibaano ah ay bilaabeen buuq iyo Fowdo, kadibna hawada laga Saaray Muuqaaladii tooska ahaa…

Kursigaan oo ay ku tartamaayeen 5-Musharax oo ka soo jeeda Beesha Xawaadle, markii ay soo idlaatay Wareega hore, ayaa la sheegay in Tiro Xildhibaano ah ay bilaabeen Buuq iyo Fowdo, iyagoo doonaya iney hor-istaagaan Doorashada kadib markii ay saluugeen sida ay Doorashada u dhacday, talaabadaan ayaa horseeday in la go’aamiyo in la hakiyo Doorashada.

Tirada ay Kala Heleen Musharixiinta:-

-Cabdulqaadir Xanafi Sh.Bashiir 35-cod

-Cabdalla Cabsi Xuseen 29-cod

—Cali Shabaab Ibraahim 28-cod

-Caanaha Xuseen Abuukar 2-cod

Buuq aan Ayaa lagu Eedeeyay Taageerayaasha Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabelle, iyadoo loogu yeeray Xoogaga Amaanka si hoolka looga saaro, waxaana la sheegay in qaar ka mid ah Xildhibaanada ay damiyeen Nalkii hoolka, talaabadaan oo horseeday in xaaladu cuslaato.

141640cookie-checkYaa Ka Mas’uul ah Fowdada Ka Dhalatay Doorashada Jowhar