Ciidamada Dowladda Dagaal kula Wareegay Degaanka Caad

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helaya howlgal ay Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya Kuwa Daraawiishta Galmudug iyo kuwa degaanka ayaa goordhaw dagaal kula wareegay deegaanka Caad oo hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Ciidamada Dowladda ayaa duulaan dhowr jiho ah ku qaaday degaanka Caad ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad badan oo ka tirsan kooxda argagixisada Shabaabka, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo jilbaha la isku dhigtay.

Dagaalka ayaa wararka aan helnay sheegayaan in uu barbar socday duqeymo ay diyaarado dagaal ay la beegsanayeen fariisimaha maleeshiyaadka kooxda Shabaab kaga sugnaayeen deegaanka Caad ee gobolka Mudug, Saraakiisha Ciidamada hoggaamineysa ayaa sheegay iney la wareegeen degaanka Caad, waxeyna ku daba jiraan firxadka xubnihii Maleeshiyaadka ee degaanka laga saaray.

238640cookie-checkCiidamada Dowladda Dagaal kula Wareegay Degaanka Caad