Digniin Adag oo loo Diray Shirkadaha Diyaaradaha ee Ka Howl gala Mogadishu

Somalia news

Qoraal ay soo saartay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa digniin loogu diray Shirkadaha Duulimaadka Dalka, kuwaasoo lagu eedeeyay iney dhaqan ka dhigteen iney ku wakhti badan ka lumiyaan Rakaabka gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho..

Qoraalkaan ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka ayaa lagu sheegay iney soo gaareen cabashooyin badan oo laga gudbiyay Shirkadaha diyaaradaha oo dadka rakaabka ah waqti badan ku haya terminaalka garoonka diyaaradaha.

Shirkadaha Diyaaradaha ayaa looga digay in 3 saacadood ka badan aysan rakaabka safraya garoonka ku heyn karin iyo in aan shacabka la balamin karin iyadoo loo heyn diyaaradii ay raaci lahaayeen lana hubin bad-qabka diyaaradaasi safarka u baxaeysa.

254220cookie-checkDigniin Adag oo loo Diray Shirkadaha Diyaaradaha ee Ka Howl gala Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com