Maleeshiyo Beeleed Ku Dagaalamay Degaan Hoos Taga Doolo

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya dagaal beeleed sababayna khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa wuxuu ka dhacay degaanka Bohol Garas oo hoostaga degmada Doolow uu ku dhexmaray laba maleeshiyo….

Malayshiya beeleedka halkaasi ku dagaalamaya ayaa dagaalkooda waxaa uu salka ku hayaa isku qabsiga dhul ku yaal degaankaas, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalka ku geeeiyooday 6 Ruux halka 10 kale ay ku dhaawacmeen,.sida ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Doolow.

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) ayaa sheegay in ka Jubbaland ahaan ay aad uga xun yihiin dagaalka dhexmaray labada maleeshiyo Beeleed.

Mar uu la hadlayey VOA ayuu wasiir Dhuumaal ugu baaqay dhinacyada dagaalamay inay colaada joojiyaan, waxaana uu sidoo kale Ciidamada dowladda uu ka codsaday inay kala dhexgalaan maleeshiyaadka dagaalamaya.

128890cookie-checkMaleeshiyo Beeleed Ku Dagaalamay Degaan Hoos Taga Doolo