Ma Dhabaa in Madaxii Sirdoonka Maamulka Waqooyiga Somalia Xilkii Laga Xayuubiyay lana Xiray..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Howlgal ay fuliyeen Xoogaga Amaanka Muuse Biixi ee Somaliland ayeey ku soo qabteen Madaxii Xafiiska Sirdoonka isla markaasna xabsiga la dhigay kadib markii Gabar xiriir kala dhaxeeyay dhaqaale kala baxsatay…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Madaxii Sirdoonka Somaliland Muuse Bacluul oo ka soo jeeda Beesha Habarjeclo Xabsiga la dhigay, Shaqsigaan ayaa lagu eedeeyay in Dhaqaalihii Xafiiska uu dhacay isla markaasna Garab Khasnaji u aheyd Hey’adda dhaqaale buuran la baxsatay iskana dhiibtay Dalka Canada oo Mr.Bacluul uu dhasho ka heysto.

Dhanka kale, Abwaan Saleebaan Boqor oo u dhashay Beesha Garxajis ayaa xabsiga magaalada Burco loo taxaabay, Abwaanka ayaa lagu eedeeywy inuu tiriyay gabay uu ugu magac daray “Juudaan” oo uu Muuse Biixi ky duray kagana hadlayo arrimo ay ka mid yihiin jabkii dagaalkii Goojacade ee Gobolka Sool.

323920cookie-checkMa Dhabaa in Madaxii Sirdoonka Maamulka Waqooyiga Somalia Xilkii Laga Xayuubiyay lana Xiray..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *