Sheekh Shariif Oo Ku Sii Jeeda Magaalada Jowhar si uu Uga Qeyb Galo Tartan..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa safar uu Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed maanta oo Axad ah ugu ambabaxayo magaalada Jowhar ee xarunta dowladda HirShabeelle, si uu uga qeyb galo tartan doorasho…

Wararka ayaa sheegay in Sheekh Shariif Ujeedada safarka uu daaran yahay sidii uu halkaasi uga soo qaadan lahaa kursiga xildhibaan Hop#141 ee beeshiisa saami qeybsiga ay u leedahay, waxaana ka taagneyd dood badan oo beesha dhexdeeda ah, kadib markii ay isku qabteen cidda la siinayo, iyadoo uu u sharaxnaa Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur hase ahaatee markii dambe u tanaasulay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Safarka Sheekh Shariif ayaa waxaa ka horeeyay ciidamo aad u hubeysan oo shalay gaaray Jowhar, kuwaasoo intii ay sii socdeen wadada Jowhar iyo Balcad u dhaxeysa qarax miino kula kulmay, qaraxaasi oo askar aad u tiro badan kaga dhinteen, kuwo kalena kaga dhaawacmeen.

Ma cadda weli haddii xal laga gaaray dood jufooyin Beesha ka tirsan oo soo bandhigay saluug ay ka qabaan kursiga iyo in dhagaha laga fureystay qeyladooda.

186100cookie-checkSheekh Shariif Oo Ku Sii Jeeda Magaalada Jowhar si uu Uga Qeyb Galo Tartan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com