Maraakiib Dagaal Ee Dalka Russia Oo Gaareen Xeebaha Dalka Eritrea…

Africa News World

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa 2-Markab oo kuwa Dagaalka ah ee Dalka Russia ayaa lagu soo warramayaa iney ka gudbeen marinka Bab al-Mandab islamarkaana galeen Badda cas, waxeyna gaareen Dekeda Massawa ee Dalka Eritrea..

Wararka ayaa sheegaya in 2-da Markab ee Dagaalka Varyag Missile Cruiser iyo Marshal Shaposhnikov Frigate, Maraakiibtaan ayaa horaantii Bishii Maarso ay ka qeyb galeen Dhoolatus wadjir ah oo ay ja wada qeyb galeen Ciidamada Badda China iyo Iran ee Xeebaha Dalka Iran looguna magac daray (Sea Security Belt-2024 joint international naval exercise).

Dawladda Eritrea, ayaa dhankeeda shaacisay in maraakiibta Dagaalka ee Russia ay soo gaareen Xeebaheeda kuwaasoo ka mid ah maraakiibta Russia, waxaa la sheegay iney magaalada Massawa ee Eritrea, kaga qayb galayaan Sanad-guurada 30-aad ee Xiriirka Diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Russia iyo Eritrea, halkaasoo ay ku sugnaan doonaan muddo 5-Maalmood ah.

317880cookie-checkMaraakiib Dagaal Ee Dalka Russia Oo Gaareen Xeebaha Dalka Eritrea…