Madaxweynaha Oo Martiqaad u fidiyay Xildhibaanada Federaalka..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu caawa Xaflad casho ah ku martiqaaday Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, taasoo ka dhici doonta Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia…

Xogtaan ayaa sheegtay in Madaxweynuhu ay dhici karto inuu fagaare uga dhawaaqo magacaabidda Ra’iisul Wasaaraha Munaasabadda caawa ama Munaasabad kale ka hor 15 bishan.

Inkastoo aanu Dastuurka ku qorneyn in Madaxweynaha uu muddo 30 cisho gudahood ku soo magacaabo Ra’iisul Wasaare, haddana dhaqan soo jireen ayay aheyd, iyadoo Axdi Qarameedkii lagu soo dhisay dowladdii KMG ee Imbagathi uu dhigayay in Madaxweynaha 30 cisho gudahood Ra’iisul Wasaare ku soo magacaabo.

194480cookie-checkMadaxweynaha Oo Martiqaad u fidiyay Xildhibaanada Federaalka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com