Buunada Buulo Burte Oo Qarka u Saaran Burbur Kadib markii Wabiga uu Keenay Biyo Badan…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Buulo burte ayaa sheegaya in Dadka Degaanka ay cabsi xoogan ka soo food saartay kororka biyaha Wabiga, iyadoo Fatahaada ay saameyn ku yeesheen ilaa afar xaafadood oo ka tirsan degmada sida Wadajir iyo Indha-ceel, Waxaa lagu qiyaasaa in boqolaal qoys ay ka barakaceen guryahoodii…

Degmada Buulaburte oo dhacda bartamaha gobolka Hiiraan ayaa ah Deegaankii 2-aad ee uu fatahaad ka sameeyo webiga Shabeelle. Labo todobaad ka hor ayay aheyd markii wabiga uu ka barakacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi kumanaan qoys, Saadaam Cabdi Iidow oo ah Duqa degmada Buulaburte ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee ka taagan degmada Buulaburte, isagoo xusay in biyaha ay gaareen meel aan horay loo arag.

Maanta ququlka Biyiha ayaa buux dhaafiyay buundada, waxayna bilaabeen inay garaacaan darbiyada, Xaaladdu si joogto ah ayay uga sii daraysaa,” ayuu yidhi Duqa Magaalada,

Sannadkii hore ayay ahayd markii qarax xooggan oo ay kooxda Argagixisada Shababku soo abaabuleen ay khasaare xooggan gaarsiiyeen Buundada Degmada Buulaburte. Hadda, daadadku, ayaa waxaa isa soo taraya cabsida laga qabo in buundadu soo dunto, sababo la xiriira burburka dheeraadka ah ee soo gaaray.

257890cookie-checkBuunada Buulo Burte Oo Qarka u Saaran Burbur Kadib markii Wabiga uu Keenay Biyo Badan…