Mareykanka Oo Cunaqabateyn Ugu Hanjabay Madaxda Soomaalida

Somalia news

Maamulka Washington ayaa Madaxda Soomaalida u soo dirtay fariimo hanjabaado xambaarsan, hadii ay dib u dhac kale ka sameeyaan Doorashada dadban oo mudada loo qabtay ku eg 25-ka February waxeyna ku adkeeyeen dhinacyadaan iney ku soo dhameeyaan mudadaasi…

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibeda ee USA Mr.Ned Price Oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Washington ayaa ku nuuxnuuxsaday iney qaadi doonaan talaabooyin ay ka yihiin Cunaqabateyn, xayiraad dhaqaale iyo Safaradaba, hadii aan lagu soo dhameynin wakhtiga loo qabtay.

Afhayeenka ayaa sheegay in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday uu muddo sanad ah xilkii ka dhacay, wuxuuna intaasi raaciyay iney diyaar u yihiin iney qaadaan talaabooyin ay ku jiraan xayiraad dal ku galka iyo kuwo kale si looga jawaabo dib u dhacyada iyo carqaladeynta Hanaanka Doorashada.

161650cookie-checkMareykanka Oo Cunaqabateyn Ugu Hanjabay Madaxda Soomaalida