Mareykanka oo soo saaray Digniino Amni oo ku Wajahan Muwaadiniintiisa ku sugan Geeska Africa…

Africa News U.S.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Safaaradda Mareykanka ee dalkaasi ayaa digniin ka soo saartay Argagaxisada magaalada Nairobi, iyadoo uga digtay Dadka Mareykanka ah inay dib u eegis ku sameeyaan qorshahooda Dalxiiska iyo booqashada Hoteelada, Goobaha Dalxiiska, Dugsiyada, Isbitaalada iyo Malls-ka…

War qoraal ah oo lagu daabacay website-keeda rasmiga ah Jimcihii 13, 2023, safaaraddu waxay ku sheegtay ineay jiraan khataro badan oo la xiriira dhaqdhaqaaqyo argagixisanimo oo lala beegsanayo goobaha ay ku badan yihiin Ajaanibta iyo dalxiisayaasha ee Nairobi iyo meelo kale oo Kenya ah.

Saraakiisha USA ayaa sidoo kale la wadaagtay lambarada taleefoonada kuwaas oo muwaadiniinta ay isticmaali karaan si ay ula soo xiriiraan marka ay u baahan yihiin wax gargaar ah, USA ayaa sidoo kale Digniintaan ka soo saartay Dalalka Ethiopia, Tanzania, Uganda iyo Somalia, waxaana Muwaadiniinta lagu adkeeyay iney ka baaqsadaan goobaha Dadku isugu yimaado, iyadoo ay dhici karto in lagu weeraro Tooreeyo iyo Agab kale oo lagu fuliyo qorshaha argagixisada.

281800cookie-checkMareykanka oo soo saaray Digniino Amni oo ku Wajahan Muwaadiniintiisa ku sugan Geeska Africa…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com