Wadada Isku Xirta Degaanada Waqooyi-Bari Kenya & Dalka Intiisa kale oo La Xiray Sababo Amaan..

Africa News

Wararka naga soo gaaraya Dalka Kenya ayaa sheegaya in Wakaaladda Jidadka Kenya ay xirtay wadada dheer ee xiriirisa Gobolka Waqooyi Bari iyo dalka intiisa kale, kadib cabsi kadhalatay in Daadad xoogan oo ku soo rogmadaan si kedis ah Wadadaan oo halbowlaha u ah dhaqdhaqaaqa Ganacsiga iyo Gaadiidka Dadweynaha…

Amarkaan ayaa la soo saaray, iyadoo roobab mahiigaan ah ay ka curteen Gobolada dalkaasi, kuwaasoo laga cabsi qabo iney go’doomiyaan gobolada qaarkood oo inta badan waxyaabaha laga isticmaalo uga yimaadaan magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.

Dhanka kale 51-Qof oo rakaab ah ayaaa dirqi looga badbaadiyey Gaari Bus oo daad ku qaaday Degaanka Lager Arile oo u dhow magaalada Gaarisa, Wadaha Baskaan oo sida la sheegay ka dhego adaygay digniin laga soo saaray marista wadadaasi ayaa dadku qaaday xilli uu u kala gooshayey magaalooyinka Gaarisa iyo Nairobi, inkastoo gurmad la sameeyey lagu guuleystey in nolol lagu samata bixiyo Rakaabka.

320310cookie-checkWadada Isku Xirta Degaanada Waqooyi-Bari Kenya & Dalka Intiisa kale oo La Xiray Sababo Amaan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *