Mashruuca Fashilka Farmaajisamka Iyo Dagaalka Rooble

Somalia news

Kooxaha taageersan Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ayaa la soo warinayaa iney bilaabeen dagaal siyaasadeed ay ku qaadaan Wasiirka 1-aad Ee Xukuumada Xil gaarsiinta Mr.Rooble kadib markii ay la soo deristay cabsi ah iney Saaxada siyaasada ka baxaan isla markaasna ay rajadooda Dib u soo noqoshada Xildhibaanimo god la gashay…

Kulamo habeenadii ugu dambeeyay ay Kooxahaan ku yeesheen Villa Somalia ay isla meel dhigeen in Dagaal siyaasadeed lagu qaado Rooble, waxeyna ku qalqaaliyeen Farmaajo inuu dib u soo celiyo Maamulka Doorashada iyo Amniga, iyagoo ku eedeeyeen Rooble inuu si khaldan u adeegsanaayo Awoodaha uu helay iskuna koobay talada.

Sidee Loo Fashilinayaa Qorshaha Rooble:-

Waxaa la sheegay in la dejiyay qorshe balaaran oo dib looga noqonaayo Awoodaha la siiyay Mr.Rooble, iyadoo Uu Farmaajo uu oggolaaday la fashiliyo Heshiiskii uu Rooble la gaaray Midowga Musharixiinta kaasoo dhigaayay in is bedel lagu sameeyo Taliyayaasha Ciidamada iyo in Gunooyinka laga jaro Ciidamada ka hor yimid muddo kordhinta, Waxaa kaloo la adkenaaya xujooyinka la xiriira Ciidamada Gedo iyo Kaalintooda xulashada Xildhibaanada.

Maxey u Dooranayaan Dagaalkaan cusub:-

Ilo Wareedyo ayaa u xaqiijiyay in Barnaajimkaan ay saameyn ku leeyihiin Dowladda Qatar, isla markaasna Farmaajo iyo kooxdiisu lagu shaabadeeyay iney muddo 4-sano oo Maamulka majaraha u hayeen ay ku fashilmeen iney Dalka Doorasho Qof cod gaarsiiyaan caqabadna ku ahaayeen xasilinta Dalka, waxeyna ka argagaxeen furfurnaanta Rooble Ee Mucaaradka iyo Maamulada Gobolada.

Digashada Siyaasadeed Ee Farmaajo iyo Kooxdiisa ayaa la sheegay iney ka doorbidayaan iney is dhibaan in Dagaalka ay sii wadaan ilaa laga helaayo in Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed lagu qasbo in Mashruuca Farmaajisamka si qasab ah loo qaato dalkana Siyaasadiisa la hoos geeyo Maamulka Dooxa.

118690cookie-checkMashruuca Fashilka Farmaajisamka Iyo Dagaalka Rooble