Xudunta Dhexdhexaadinta AU-da & Caqabadaha Maamulka Qatar

Somalia news

Kadib markii uu Dalka soo gaaray Ergay ka Socda Dowladda Qatar, isla markaasna uu kulamo la yeeshay Mas’uuliyiinta Dowladda Wakhtiga ka dhamaaday iyo qaar ka mid ah Midowga Musharixiinta, ayaa waxaa soo shaac baxaaya shaki laga muujiyay Daacadnimo Dowladda Qatar, iyagoo Ergay u soo diray Xilli la sugaayo In la magacaabo Ergay AU-da ah…

Mr.Al-Qaxtaani ayaa dhexda uga dhacay howl ay Soomaalida iyo mid laga codsaday AU-da iney ka qeyb qaadato xalinta Khilaafka Doorashada, iyagoo ka faa’iideysanaaya dib u dhacyada habraacyada Midowga Africa iyo Dhego nuglaan ay ka heleen qaar ka mid ah Midowga Musharixiinta ayaa durbadiiba soo nooleeyeen rajadii dhimatay ee Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo.

Kulankii khadka taleefonka ee Xukumaha Maamulka Dooxa iyo kan Wakhtiga ka dhamaaday Ee Farmaajo ayaa muujinaaya welwel laga qabo in Dalka Qatar uu majaxaabinaayo Dadaalada Nabadeed ee Soomaalida dhexdeeda iyo Kaalinta AU-da ee xalinta Khilaafka Doorashada.

Waxaana soo shaac baxaaya warar sheegaya in Dowladda Qatar ay wadato Qorshe lagu doonaayo in Wada hadalada Kooxaha Soomaalida lagu qabto Magaalada Dooxa, iyadoo durbadiiba qaar ka mid ah Midowga Musharixiinta ay muujiyeen iney diyaar u yihiin iney ka qeyb galaan Gogoshaasi.

Maxey Kulan tahay Muwaadinow!!?

118660cookie-checkXudunta Dhexdhexaadinta AU-da & Caqabadaha Maamulka Qatar