Mas’uuliyiin Ka Tirsan Idaacada Dowladda Oo Qarax Loogu Xiray

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoyska Jubba iyo taalada Daljirka Daahsoon, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan, iyadoo uu jiro khasaare ka dhashay Oo dhimasho & Dhaawac…

Qaraxa ayaa loo badinayaa in Miino lagu xiray gaari ay la socdeen Agaasimayaasha Taleefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho Sharma’arke Maxamed Warsame iyo Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika, iyo darawlka gaariga, Allah ha u naxariistee, waxaa qaraxa ku dhintay Cabdicasiis Afrika, halkan Sharmaarke iyo darawalkii gaariga uu garaay dhaawac, sida aan xogta ku helnay.

151750cookie-checkMas’uuliyiin Ka Tirsan Idaacada Dowladda Oo Qarax Loogu Xiray