Sidee La isaga xoreyn karaa Wadaad-Siyaasiga Musuqa ku naaxay Ee Hubeysan

Somalia news

Dalka Somalia laga soo bilaabo 2009-kii, waxaa ka hanaqaaday koox xer ah oo Siyaasiyiin u xuubsiibtay, Waxeyna xiligaan gacanta ku hayaan Qeybaha Caafimaadka Waxbarashada Xisbiyada Siyaasada, kooxahaan ayaa markii hore ka tirsanaa Dhaqdhaqaaqyo diimeed…

Kooxahaan oo qaarkood lagu eedeeyo iney dhaleen Kooxda Argagixisada Shabaabka oo dhibka ay Somalia ka geysteen la wada og yahay, Wadaaddada siyaasiyiinta ahi waxay markii hore aamminsanayeen in qori lagu meelmarin karo mabaadii’da ay aamminsanaayeen, Kadib markii ay arkeen in barnaamijkooda siyaasadeed uusan u cuntamynin Soomaalida badankeeda waxay go’aansadeen inay gacanta ku dhigaan mishiinka dowladnimada.

Xiligaan waxaa soo ifbaxay ifafaaale naxdin leh oo wadaaddada siyaasiyiinta ahi ay dadka kaga fogeynayaan Diinta waayo dadka dhibtu ka soo gaarto boobka hantida uu wadaad-siyaasigu ku kaco waxaa suurtowda inay kala saari kari waayaan wadaad-siyaasiga iyo Diinta, Quraanka Kariimka wuxuu ka hadlay kuwa dadka wanaagga faraya ama fari jiray laakiin iloobay naftooda, kuna kacaya waxa ay dadka ka wacdinayeen.

Heerka Somalia maanta marayso marka laga qiyaas qaato, waxaa muuqata in dalku gacanta ugu jiro qowlaysato heshiis ku ah lunsiga Hantida Dalka iyo tan Dadweynaha, iyo ku tartanka in guryo laga dhisto dalal Shisheeye Dalkana geliyay shaqo la’aan baahsan, daryeel caafimaad la’aan iyo dhibaatooyin kale oo hoggaamin xumo iyo lunsasho ka mid ay keeneen.

Mustaqbalka Dalka ayaa u muuqda mid cagaha la galay mugdi, ayna Mas’uul ka yihiin Isbahaysiyo Shaar-Diimeed, mid Ganacsi iyo Siyaasad, kuna kaliftay Dhalinyarada Soomaaliyeed inay dalkooda ka haajiraan oo qaxooti ka door bidaan, Waxaana Shacbiga la gudboon inuu u istaago sidii uu isaga xoreyn lahaa Wadaad-siyaasi waranle ah ee Dalka iyo Dadka xiligaan u afduuban yahay. Guri ba’ay!

195410cookie-checkSidee La isaga xoreyn karaa Wadaad-Siyaasiga Musuqa ku naaxay Ee Hubeysan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com