Rooble Oo Kulan Qarsoodi ah La Qaatay Odayaasha Dhaqanka

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan qarsoodi ah uu Wasiirka 1-aad ee Dowladda Xil gaarsiinta (Rooble) kula yeeshay Magaalada Dhuusa mareeb, wuxuuna kala hadlay sidii loo taageeri lahaa dib u Doorashada Farmaajo Fashilmay, iyadoo ay Kulankaasi Soo qabanqaabiyeen Cabdi Qeybdiid iyo Qorqor..

Kulankaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Odayaasha Dhaqanka, Ganacsato iyo Waxgarad ka soo jeeda Beelaha Habar gidir, iyadoo looga dooday qodobo dhowr ah Oo ay ka mid yihiin Danaha Kooxda Cabdi Qeybdiid iyo Qorqor, geedi socodka Siyaasada iyo Doorka ay Beesha ku yeelan karto dib u Doorashada Farmaajo, bacdamaa uusan Rooble soo bandhigay Han Siyaasadeed iyo mid Hogaamineed.

Wararka ayaa sheegay in Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ayaa eedo dusha u saariyay Rooble iyo Qorqor iney u fududeeyeen in Xasuuq, Barakicin iyo burbur hantiyeed uu ka geystay Farmaajo Fashilmay Magaalada Guricel, waxey kaloo ku eedeeyeen iney ku sifoobeen kuwo laciif ah Oo aan aragti Siyaasadeed laheyn kana muuqan astaamihii lagu yiqiinay Beesha Habar gidir.

Sidoo kale Waxaa laga dooday Xaalada Amaan iyo Abaareed ee Degaanada Galmudug, iyadoo laga codsaday Rooble inuu wax ka qabto Xaafadaha Abaaraha, Amni darrada iyo in laga saara gacanta Kooxda Shababka degmooyinka ay heystaan, inkastoo Qorqor iyo Farmaajo aysan diyaar u aheyn iney diyaariyaan qorshe cad.

151690cookie-checkRooble Oo Kulan Qarsoodi ah La Qaatay Odayaasha Dhaqanka