Xogo La Xiriira Xoogaga Wadaniyiinta Iyo Dhibaatada Ay Shacbiga Ku Hayaan

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa xogo la xiriira Dhalinyaro badan oo ka tirsan Xoogaga Wadaniyiinta kuwaasoo intooda badan ka yimid qurbaha, isla markaasna lagu meeliyay Wasaaradaha, Wakaaladaha hey’adaha Amaanka iyo xafiiyada Madaxtooyada, kuwaasoo Mushaaraadka ku baxa ay bixiyaan Hey’adaha World bank, UNDO iyo IOM…..

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Dhaliyaradaan oo laga keenay Qurbaha ay isku uruursadeen Hoteelada iyo Guest House-yada ku yaal inta u dhaxeysa Cinema Somalia- Lambar-4 ilaa Dugsigii 21-Oktoobar, waxeyna ka wadaan Dhaqan xumo iyo dhibaateynta Gabdhaha Somaaliyeed, waxaana u dambeysay Gabadhii (Marxuumada Xamdi Maxamed) ee lagu dilay Guest house-ka ay iska leeyihiin Zamzam Foundation, una kireysnaa Shaqsi ka soo jeeda Beesha Madaxweynaha.

Dhaliyaradaan ayaa intooda badan ka tirsan Xoogaga Wadaniyiinta, waxaana la sheegay iney hubeysan yihiin oo ay u abaabulan yihiin Qaab maleeshiyaad, iyagoo wada shaqeyn kala dhaxeyso Hey’adda NISA, Dhaliyaradaan ayaa la sheegay iney ka madax banaan yihiin Hey’adaha Amaanka ay falal dilal, cabsi gelin iyo dhac ka geysan doonaan mustaqbalka dhow.

Khabiir ku xeel dheer xagga amaanka iyo arrimaha gudaha ayaa ka digay in Dhalinayaradaan la sheegay iney ku xaroodaan Madaxtooyada marka ay dhibaato ay geystaan, waxaana la sheegay in hadii ay qabtaan Xoogaga amaanka iney diyaar u yihiin siideyntooda Xildhibaanada Cabdishakuur Cali Mire, Faarax Cabdi Xasan iyo Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo seddexduba ku heyb ah Madaxweynaha Somalia.

Xildhibaanadan iyo Saraakiisha doonaya iney xabsiga ka saaraan dadka u xiran kiiska Kufsiga iyo dilka ayaa la sheegay inay isku heyb yihiin eedeysanayaasha xiran, waxayna isku dayeen iney qaab damiin ah ku sii daayaan, si ay ugu suuragasho iney baxsadaan, inkastoo aysan u suuragelin.

Talaabadan foosha xun ee ay ku kacayaan Xildhibaanada iyo Saraakiisahan ayaa fajaciso iyo yaab ku noqotay ehelada ay ka soo jeedo Marxuumad Xamdi oo dalbanaya cadaalad iyo guud ahaan Somalida, waxaana saraakiisha baaritaanka wada loogu baaqay ineysan dheg jalaq u siinin cadaadis kasta oo ku yimaada ayna waajibaadkooda u gutaan  si hufan.

60760cookie-checkXogo La Xiriira Xoogaga Wadaniyiinta Iyo Dhibaatada Ay Shacbiga Ku Hayaan