Qatar Oo Dhibaato Ku Ah Dalka Iyo Dadka Soomaaliyeed

Somalia news

Tan iyo intii uu Maamulka Majaraha u qabtay Mr.Farmaajo, wuxuu ku hagay Siyaasada Arrimaha Dibada ee Somalia Meel mugdi ah, isagoo hoos geeyay Imaarada yar ee Qatar oo Duniyada Carabta ay saameynteeda siyaasadeed ay kooban tahay, waxaana u sii dheer iyadoo taageerta Kooxaha Argagixisada ee Dhibaatada ku haya shucuub kala duwan….

Maamulka Dooxa ayaa lagu eedeeyaa iney bixisay Dhaqaalihii uu Maamulka Farmaajo u adeegsaday Xil ka qaadistii Gudoomiyihii Barlamaanka Somalia Mr.Jawaari, Afgambiiyadii Xilalka Looga Qaaday Maamulada Konfur Galbeed iyo Galmudug.

Sidoo kale, Go’aanka ay Dowlada Somalia kula safatay Maamulka Oromada ee Ethiopia ka taliya ee Qararkii Jaamacada Carabta ee muranka Wabiga Nile, iyadoo ka ogyahay in Maamulka Farmaajo uu Dowlada Masar Shuruud ku Xiray in Hub Deeq ahaan loo siiyo si ay u taageerto Mowqifka Egypt.

Agaasimaha NISA Adeege Fahad Yasin ayaa la aaminsan yahay inuu yahay isku xiraha Dilaalka Muqdisho iyo Dooxa, soona qaaday dhaqaalihii lagu doortay Mr.Farmaajo sanadkii 2017-kii, wuxuuna ilaa haatan wada sidii dalkaan looga dhigi lahaa Urur argagixiso.

https://www.facebook.com/100013000871713/posts/970286906747996/?d=n

Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Mr.Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyay Dowlada Qatar iney ka shaqeyso Qalalase, waxaana marqaati u ah, iyagoo la macaamila Ururada Argagixisada sida, Talibaan, Xamaas, Xisbulaah, Akhanu-muslimiin iyo kuwo kale oo badan, iyagoo Dhaqaale ku bixiya “Non Actors States” isla markaasna taageera.

46480cookie-checkQatar Oo Dhibaato Ku Ah Dalka Iyo Dadka Soomaaliyeed