Agaasime guud oo Cusub oo loo Magacaabay Wasaarada Gaashandhigga

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa magacaabis iyo xil wareejin deg deg ah uu soo jeediyay Wasiirka Gaashandhigga Dowlada Federaalka, isla markaasna ka qeyb galay Xaflada xil wareejinta, iyadoo Agaasimihii guud ee hore ee Wasaarada iskiis shaqada uga tagay, xubnahaan ayaa ka soo wada jeeda Beesha Mareexaan…

Wararka ayaa sheegay in Wasiirka Gaashandhigga uu goob joog ka ahaa Xafladaan waxaana xilka la wareegsy Agaasimaha cusub Jaamac Cabdirisaaq Xersi “Indhabuur”, iyadoo uusan goobta xaadir ku aheyn Agaasimihii hore Xasan Maxamed Saciid, oo xilka iska casilay kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Wasiirka.

Dhanka kale Sarakiisha Ethiopia ayaa ku guuleysteen iney xaliyaan khilaaf muddo taagnaa oo u dhaxeeyay Gudoomiyaha Gobolka Gedo iyo Madaxa Hey’adda NISA, khilaafkaan oo muddo hakiyay howlihii Gobolka, wuxuuna salka ku hayaa dhaqaalaha laga uruuriyo Dadka ku nool Gobolka, xafaladaan ayaa lagu qabtay degmada Doolow.

226980cookie-checkAgaasime guud oo Cusub oo loo Magacaabay Wasaarada Gaashandhigga
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com