Ergo Nabadeed Oo Ka Tagay Mogadishu Ayaa Gaaray Magaalada Garoowe

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa tiro Ergo Madax-dhaqaameed ka soo jeeda Konfurta Dalka ayaa gaaray Magaalada Garoowe si ay Masnta kulamo ula yeeshaan qaar ka mid ah Garaadada Gobolka Sool iyagoo kala hadli doono in joojinta Dagaalka iyo i. nabad laga gaaro Colaada ka oogan Laascaanood…

Wararka ayaa sheegay Ergadaan ayaa sidoo kale la filayaa iney tagaan Magaalada Hargeysa si ay dhinaca Somaliland-na ugala hadlaan colaadda Gobolka Sool iyo sidii loo joojin lahaa, Madaxda dhaqan ee ergada nabadda u soo baxay ayaa la sheegay in ay ka soo jeedaan Beelaha Hawiye, Digil iyo Milifle.

Ethiopia ayaa hore isugu dayday in wadahadal lagu dhammeeyo colaadda Sool balse ma hirgelin, welina waxa socda baaqyada nabadda ee lagu baaqayo in la joojiyo colaadda Sool oo galaafatay nafo badan, sidoo kalena ay ku barakaceen dad badan oo Caruur iyo Hooyooyin u badan.

248020cookie-checkErgo Nabadeed Oo Ka Tagay Mogadishu Ayaa Gaaray Magaalada Garoowe