Sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, ehellada Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu iyo ilaalada qaabilsan Amnigiisa ayaa hor istaagay eedeysane Yaasiin Farey, kaasoo Isbitaalka Turkiga Ee Ex-Digfeer u tagay booqashada Mucalimuu…
Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Eedeysane Yaasiin Farey oo xiligaan ku magacaaban xilka Agaasimaha KMG ah ee NISA, wuxuu hore u soo ahaa madax ilaalada Fahad Yaasiin, wuxuu soo noqday shaqsiga ugu sarreeyay nabadsugidda gobolka Banaadir xilligii Fahad, wuxuuna qeyb ka yahay shaqsiyaadka tuhunnadu dul-hoganayaan.
Maadaama dadka qaar, gaar ahaan ehelka Maxamed Ibraahim Macalimuu, ay rumeysan yihiin in Afhayeenka Xukuumadda loo beegsaday sabab siyaasadeed oo la xariirta khilaafka ka dhexeeya Farmaajo iyo Rooble, isla-markaasna Yaasiin Farey ku daaban yahay hoggaanka kooxda la tuhunsan yahay ayaa loo diiday booqashada Macalimuu.
Wasiirka 1-aad ayaa xalay Isbitaalka ku voordat Bukaanka, Dhaawaca Maxamed Ibraahim Macalimuu, ayaa maanta ah la filayaa in loo qaad dalka dibaddiisa, waxaana xalay Isbitaalka digfeer oo lagu sii baxnaaninayo ku ilaalinaya, ilaalo ka socota xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha.