Kooxda Argagixisada Shababka oo la sheegay iney Isaga Baxeen Xaradheere

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degmada Xaradheere ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas ay isaga baxeen maleeshiyaadka kooxda Argagixisada Shabaabka, iyagoo cabsi xoogan ka qaaday Ciidamada Duulaanka ku ah degaanada ay ka joogaan Xeebaha Galmudug..

Wararka ayaa sheegay in Horjoogayaasha kooxdani ayaa sida la xaqiijiyay ka hor inta aysan ka bixin degmadaas waxay shacabka Xarardheere ku amreen iney ka baxaan magaalada, waxaana la sheegay in isugu tageen Dhulka howdka ah si ay Dadka Rayidka ah gabaad uga dhigtaan.

Tallaabadan ayaa ku soo beegntay xilli Koonfurta Gobolka Mudug iyo Degmooyinka Ka tirsan Maamulka Hirshabeele uu xowli ah uga socdo abaabul Ciidan oo ku jihaysan kooxdq argagixisada Shabaabka.

236980cookie-checkKooxda Argagixisada Shababka oo la sheegay iney Isaga Baxeen Xaradheere
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com