Qarax Miino oo5-Qof Lagu dilay oo Xalay ka dhacay Magaalada Jowhar

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax xalay ka dhacay guri ku yaal Magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe kaasoo daryankiisa laga maqlay guud ahaan magaaladaas iyo nawaaxigeeda, iyadoo Qaraxaasi lagu sheegay Miino kaasoo geystay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Dadkii Degenaa…

Wararka ayaa sheegaya iney Qaraxaasi ku geeriyoodern ilaa 5-Qof halka 3-Qof oo kale ay dhaawacyo kala heer ah soo gaareen, iyadoo Guriga qaraxa ka dhacay ayaa la sheegay inuu ahaa hoy ay dhawaan soo degeen Xoogag degaan ah oo ka soo jeeda Galbeedka magaalada Jowhar kuwaasoo dadka ay u yaqaanaan macawisley (Beesha Gaaljecel).

Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Hey’adaha Amaanka iyo Maamulka Hirshabelle, hase yeeshee magaalada Jowhar oo amaankeedu uu wanaagsanaa ayaa sidoo kale gelinkii dambe ee shalay waxa ay ciidamada ATMIS qarxiyeen miino la dhigey meel waddo ah.

277270cookie-checkQarax Miino oo5-Qof Lagu dilay oo Xalay ka dhacay Magaalada Jowhar
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com