Qoysas Badan Oo Beeraley ah Oo ka soo Gaaray Duleedka Mogadishu kana Cabanaaya Raashin & Biyo La’aan..

Somalia news

Boqollaal Qoys oo ka soo barakacay fatahaadaha Webiga Shabeelle uu ka sameeyay Degaanada Hirshabeelle iyo Konfur Galbeed ayaa soo gaaray Xeryaha Barakaca gudaha ee Degmooyinka Dayniile, Kaxda iyo Degaanka Garasbaaley ee Gobolka Benadir billowgii bishaan December…

Wararka ayaa sheegaya in Qoyska Leyla Culusow Xasan ayaa waxey ka mid ahaayeen ilaa 65-Qoys oo ahaa Beeraley ka soo barakacay Xaafadda Aaytiro oo ka tirsan Degmada Afgooye, iyagoo xiligaan ku sugan yihiin xerada Saacid ee degmada Dayniile tan iyo 27 Nofeembar, Qoyskaan oo ka kooban Hooyo & 4-Caruur ah, ayaa hadda wajahaya Hoy la’aan, Raashin iyo Biyo yari, Waxa ay sheegtay in 24 saac ay helaan hal mar cuno ay ku taageeraan dadka degaanka ee aan barakaca ahayn iyo qaar ka mid ah dadka soo barakacay ee horay xeryaha ugu noolaa.

Leyla ayaa ka mid ahayd Dadka Beeraha ay u tacbanaayeen, iyadoo Beertooda ay dhameyd 4-Hektar, waxaa ugu abuurnaa Maseggo, Galley, Sinsin iyo Babay, Waxay tilmaamtay inaysan waxba uga badbaadin oo ay qaadeen biyaha webiga ka soo fatahay, Saamaynta ka dhalatay fatahaadda ee beeraha saamaysay waxa ay gaajo u horseeday Qoysaskii ku tiirsanaa tacbashada Beeraha, Dadka ugu badanna waxa ay ka yimaadeen tuulooyinka  hoos yimaada Jowhar iyo Afgooye.

Yuusuf Cabdulle oo ah Abaha 7-Carruur ah, ayaa wuxuu soo gaaray dhamaadkii bishii November Xerada Saaqo oo ku taalla degmada Dayniile markii uu ka soo barakacay Xaafadda Damaley Afgooye, Muno Dhaayow oo korsata 6-Carruur ah oo agoon ah  oo midda ugu yari uu jiro laba sano waxa ay ka soo barakacday tuulada Mooyko ee duleedka Jowhar, Iyada iyo carruurteeda waxay hoy la’aan iyo cunno yari ku wajahayaan xerada Saacid, ilaa hadda ma jiraan Gurmad loo fidiyay Barakacayaashani dhibaateysan.

295530cookie-checkQoysas Badan Oo Beeraley ah Oo ka soo Gaaray Duleedka Mogadishu kana Cabanaaya Raashin & Biyo La’aan..