Shirkadaha Tiknoolajiyada Aduunka Oo Dhimaaya Shaqaalaha u Shaqeeya

World

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay soo shaac baxaayay Go’aano ay shaqaalahooda ku dhimaayaan soo saarayeen Shirkadaha Tiknoolajiyada Aduunka ugu waa weyn sida (Google, Facebook, Amazon, Microsoft iyo Tweeter-ka), kadib markii ay soo food saareen hoos u dhac dhaqaale…

Talaabooyinka gunti-giijinta ayaa soo shaac baxday, kadib arrimo badan oo is biirsaday, iyadoo Shirkadaha Amazon, Microsoft iyo Facebook ay shaqada ka joojiyeen ilaa 48-kun oo shaqaale ah, kadib markii Cuddurka Caabuqa ee Covid-19 uu Dunida ka dilaacay lana xakameeyay Socodka Dadka.

Balse Xiligaan oo Cudurka la xakameeyay Dadkana loo fasaxay iney Adeegan karaan, ayaa waxaa hoos u dhac ku yimid dalabaadkii adeegyada ee dhanka Qadka Internet-ka, iyadoo Shaqaalaha Google ay shaqaaleysiiyeen Dad kor u dhaafaaya 100-kun oo shaqaake ah sidoo kalena macaash badan ka sameysay ayaa haatan go’aan ku gaartay iney yareyneyso shaqaalaheeda.

238520cookie-checkShirkadaha Tiknoolajiyada Aduunka Oo Dhimaaya Shaqaalaha u Shaqeeya
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com