Qoysas ku nool Deeganka Ceelhuur oo uu Barakiciyay Bacaadka Guur-guura..

Somalia news

Inkastoo Xaalada Roobabka iyo Fatahaadaha ay harqiyeen Degmooyinka, Berdale, Buurdhuubo, B/Weyne, Baardheere iyo degaano kale, ayaa dhinaca kale waxaa soo shaac baxaaya in Saameynta sii kordheysa ee ka dhashay bacaadka guur guura oo ku habsaday Magaalooyin Hobyo, Dhinowda, Budbud iyo Ceelhuur ee gobolka Mudug, taasoo sababtay in Dad badan ay ka barakacaan Guryihii ay deganaayeen…

Wararka ayaa sheegay iney xirmeen dhamaan Xarumihii Adeegyada Bulshada sida Isbitaalladii, Masaajidii iyo Dugsiyadii Waxbarashada, iyadoo la sheegay in qoysas badan ay muddo 2-Bilood ah ay  bannaan-jiif u yihiin qabowga iyo  dabeylaha ka dhacaya magaalo xeebeedka Ceelhuur oo dhacda Koonfurta Gobolka Mudug.

Dadkaan ayaa la sheegay ineysan wax gargaar ah ka helin Dowlada Federaalka, Maamulka Galmudug iyo Hey’adaha Gargaarka, Dadkaan ayaa ilaa 150 qoys ka kooban kuwasoo ku guryo beelay Bacaadka guur guura Ceelhuur labadii sano ee lasoo dhaafay, iyagoo qaarkood aan awoodin in ay dhistaan guryo kale.

Wararka ayaa sheegaya in Qoysaskaan oo xiligaan ay heysato hoy la,aanta  ay u dheer tahay biyo yari, Mid ka mid ah Dadka Degaanka ayaa sharaxay dhibaatada ay ku qabaan helida biyaha iyo sida uu bacaadka u saameeyay iyo in Ceelashii biyaha inta badan duugmeen oo ciid  ayaa ku habsatay, hadda biyaha la cabo waxaa laga keennaa Ceelka goryaale oo u jira 20-KM, halkii fuusto waxa lagu keenaa magaalada lacag dhan Lix dollar, biyaha waxaa qaali ka dhigay gaari ayaa lagu soo qaaddaa maalinwalba.

Khuburada dhanka Degaanka ee Dalka ayaa sheegay in dhibaatada baacad guurka ee Somalia loo sababeyn karo isbedelka cimilada iyo xaalufka sida joogtada degaanka loogu hayo, iyadoo loo baahan yahay in la helo qorshe Qaran oo lagula dagaalamaayo bacaadka, Dabka iyo Biyaha.

289360cookie-checkQoysas ku nool Deeganka Ceelhuur oo uu Barakiciyay Bacaadka Guur-guura..