Maxaa Hortaagan in Haweenka Doorashada Saami Ku Yeeshaan

Somalia news

Waxaa dhibaato xoogan ka taagan tahay in sidii Haweenka Soomaaliyeed uga soo dhex muuqan lahaayeen saaxada Siyaasada Somalia, iyadoo Doorashadii Somaliland ay iska soo sharaxeen tiro Musharixiin Haween ah Sadexda Xisbi Kulmiye Wadani iyo Ucid,ayaan mid kasoo bixin….

Ayaan darrada dhacday ayaa ah in Xildhibaanada la doortay ay dhamaantood noqon doona Rag aanay Wax Dumar ahi taraxin, iyadoo Wakiilada Shacbiga uu ka maqan yahay saamigii ama qoondadii Haweenka, talaabadaan oo lagu tilmaamay cadaalad darro loona baahan yahay in dib loo saxo khaladaadka Doorashada.

Wararka laga helay Degaanada Somaliland ayaa sheegaya in Haweenkii isku Sharaxay Xildhibaannimada Golaha Wakiilada Goboladaas, ayaa ahaa kuwo Aqoonyahano u Badbaado oo dadaal xoog badan ka muujiyey Ololihii.

Sidoo kale Degaanada Puntland oo weli Baarlamaankeeda hab beeleed lagu soo xulo, ayaa waxaa Golaha Baarlamaanka degaanka fadhiya Laba Haween ah oo Qabiiladu soo doorteen, talaabadaan waa mid ceebaysay xulashada iyo qoondada Haweenka Ee Wakiilada Degaanada Maamulada Puntland iyo Waqooyi ee Somaliland.

123240cookie-checkMaxaa Hortaagan in Haweenka Doorashada Saami Ku Yeeshaan