Xiisadaha ka Dhashay Khilaafka Guddiyada Doorashada oo Ku dhow Gacan-ka-Hadal

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaaya in Maanta oo Axad ah Wadooyinka magaalada la soo dhoobay Ciidamo Boliis ah oo aad u hubeysan, kadib markii Xisbiyada Mucaaradka ku dhawaaqeen iney qabanayas isu soo bax Nabadeed, iyadoo Dowlada diiday…

Wararka ayaa sheegay in Mulkiilaha Maqaayad ay ku kulmaan Hogaamiyayaasha Mucaaradka ayaa xabsiga loo taxaabay, ilaa hadda lama yaqaano, iyadoo Hogaamiyayaasha Xisbiyada Wadani iyo Ucid ayaa ku eedeeyay Muuse Biixi inuu ka dambeeyo qorshaha dib loogu dhigaayo Doorashada loo asteeyay iney dhacdo 13-ka Novembar ee sanadkaan, isla markaasna si xeelade ku jirto uu sameysto muddo kordhin Sanad ah.

Dhanka kale Waxaa is casilay dhamaan xubnihii ka haray Guddida Doorashooyinka Somaliland, oo ay kamid tahay guddoomiyihii dhawaan loo doortay guddida Kaltuun Sh. Xasan Cabdi, Sidoo kale labadii xubnood ee kale ayaa iyaguna is casilay sida uu sheegay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan “Waxaa caddaatay maanta, in saddexdii xubnood ee u danbeeyay ay ka baxeen kadib markii culays la saaray, oo madaxweynaha iyo xukuumadu ay saareen”.

193040cookie-checkXiisadaha ka Dhashay Khilaafka Guddiyada Doorashada oo Ku dhow Gacan-ka-Hadal