Wasiirka 1-aad oo ka Hadlay Dagaalada & Banaanbaxyada Magaalooyinka Boorame & Laas caanood..

Somalia news

Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka Mr.Xamse Cabdi Barre ayaa mar kale wuxuu caddeeyay Mowqifka Dowladda ee Banaanbaxayaasha magaalada Boorame iyo Dagaalada kasocda Duleedka magaalada Laas caanood, kuwaasoo u dhaxeeya Dadka degaanka & Xoogaga Maamulka Hargeysa…

Mr.Xamse oo ka hadlay munaasabad ka dhacday Caasimada Somalia, ayaa soo bandhigay aragtidiisa ku aadan banaanbaxa ka dhacay magaalada Boorame, taasoo ay Xoogaga Amaanka Maamulka Hargeysa ay rasaas u adeegsadeen si loo caburiyo Dad Shacab ah oo isu soo baxa dhigaayay kaasoo ka dhashay jadib markii si bareer ah loo dilay Sarkaal lagu magacaabo Khadar Max’ed Ceynaanshe (Xabeeb) uuna dilay Askari Beesha Dhexe ka soo jeeda.

Mr.Xamse ayaa tilmaamay in arrimaha ka taagan magaalooyinka Boorame iyo Laas caanood aysan u baahneyn in awood lagu xaliyo iyo dhibaato hor leh, ee loo baahan yahay in lagu xaliyo wada hadal iyo wadajir bulsho, wuxuuna sheegay in Maamulka Hargeysa looga baahan yahay iney mas’uuliyad ka saaran tahay xal u helida dhibaatada taagan, iyadoo laga fogaanaayo gacan adag wax ku xalinta.

Wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka ay Mas’uul ka saaran tahay Shacbiga ku nool Looya-cadde ilaa Raskambooni, wixii ka dhaca waxaa annaga naga hooseeya waxaana leenahay faa’iido keenayaan, isagoo sheegay in Calanka Buluuga ah Magaalooyinka Dalka oo dhan ayuu Calan u yahay, ma ahan in lagu dhibaateeyo Calanka ayeey siteen waana ayaan darro in loo dilo Calanka awgiis.

255090cookie-checkWasiirka 1-aad oo ka Hadlay Dagaalada & Banaanbaxyada Magaalooyinka Boorame & Laas caanood..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com